Badhan : Galabnimadii Sabtida ayaa Barxadda weyn ee dugsiga waxa buux dhaafiyey dadweyne kala duwan , waalidiinta ardayda , marti sharaf halkaas lagu martiqaaday , ardayda heerarka kala duwan ee dugsiga Al-furqaan iyo bareyaashiisa.
Waxa jawiga hadheeyey Nashiidooyin kala duwan oo ka baxayey Mikirifoon cod dheer oo dadweynaha si waadax ah u gaadhsiinayey codadkaasi, sidoo kale cimilada magaalada ayaa galabnimadaas ahaa mid daruuro ay ku giblan yihiin iyo jawi uu ka muuqdo ifafaale , kaas oo dhab ahaan salaaddi maqrib magaalada ku maasheeyey hogol mahiigaan ah .
Furitaankii xafladdani waxba kama duwayn kuwii dugsigu hore u qaban jirey , sida : Aayadaha quraanka kariimka ah , Khudbadda maamulaha , ereyga ardayga iwm, hase yeeshee sanadkan ayaa wuxu la gaar ahaa arimo ay ka mid yihiin :
1) Shahaado sharaf la guddoonsiiyey 13 xubnood oo ka mid ah gudida dugsiga Al-furqaan, ahaana gudida ka kooban 16-ka xubnood intii magaalada ka joogtey.
2) Shahaado sharaf la guddoonsiiyey sadex bare oo shaqo wanaagooda lala dhacay , kuwaas oo kala ah : macallin C/laahi Maxamed Daa'uud (Shariifka) , Khaalid Siciid Shiikh iyo Maxamed C/laahi Faarax (Yamani).
3) Maamulaha oo ka warbixiyey in sanadkan lasoo geba-gebaynayo tababar dugsiga uga socdey in ka badan todobaatan bare , oo loo tababarayey macallinimo heerka dugsiga dhexe , si loo buuxiyo dululaatiga bannaanaaday mudadii bur-burka ee macallin yaraaneed.
4) Sidoo kale waxa maamuluhu carrabka ku dhuftay in dugsigu qorshaynayo furitaanka Machad ka kooban Luqadda English-ta , IT ( Information Tegnology ) , iyo BA ( Bussines Administration ) si ardayda dugsiyada sare ka qalin jebisa ee fursadda u weyda iney helaan jaamacaddo dalka dibadiisa ay uga faa'iideystaan .
Waxa xafladda kelmed qiimo badan oo taariikhi ah ka jeediyey Shire Maxamed Saalax oo ka tirsan waalidiinta dugsiga , sidoo kalena ah macallimiintii hore uga soo shaqeeyey wasaaraddii waxbarashada Soomaaliyeed, waxana si weyn u dhiirri geliyey dadweynihii halkaas isugu yimid , isaga oo ku boorriyey iney waxqabsadaan lana tar-tamaan degaamada kale.
Sidoo kale waxa xafladda bur-buraanbur lala dhacay ka jeedisay Xaawo Xaaji Saalax oo ka tirsan bareyaasha dugsiga.
Ugu danbayntiina waxa halkaas jaa'isooyin lagu guddoonsiiyey ardaydii gashay kaalimaha kowaad , labaad iyo sadexaad ee fasalada heerarka kala duwan. Waxa iyana xaflad sagaatin ah qabtay ardayda sanadkan ka qalin jebiyey dugsiga sare ee Al-furqaan oo ahaa dufcadii sadexaad ee dugsiga ka qalin jebisa.